Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern oo xilkii iska casishay

Published: January 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqday in aysan wax niyad ah u heynin inay sii hoggaamiso dalkeeda, ayna xilka ka degayso ugu dambayn horraanta Febraayo.

Ardern ayaa sheegtay in shan sano iyo bar oo ay Ra’iisal wasaare ahayd ay soo martay dhibaato aad u adag, waxa ayna sheegtay in ay tahay qof damiir leh oo bini’aadam ah, loona baahan yahay in ay xilka ka dagto.

Ardern, oo 42 jir ah, ayaa ku sheegay shir jaraa’id inay isku diyaarisay in aysan ka qeyb qaadan doorasho kale sannadkan.

Ardern waxa ay sheegtay in aanay xilka uga degin in shaqadu ay ku culus tahay, balse waxay sheegtay inay aaminsan tahay in dadka kale qaban karaan shaqo ka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka New Zealand Grant Robertson, oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan raadin doonin inuu noqdo hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha oo ay hadda hoggaamiso Ardern.

Horseed Media