Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo Garoowe soo gaarey

Published: February 14, 2012

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa goor dhow soo gaarey wefdi heer sare ah oo uu horkacayo Ra`iisul wasaaraha DKG ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha oo si diiran loosoo dhoweeyey ayaa waxaa garoonka kaga hortegey mas`uuliyiinta ugu sareysa dowladda Puntlandoo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Cabdiraxmaan Faroole iyo ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed.

Xubno ka tirsan labada gole ee wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland, dhalinyaro, hooyooyin iyo dadweyne kale oo tira badan ayaa iyaguna ka qayb qaatay soo dhoweynta Prof. Gaas iyo wefdiga uu horkacayo.

Ra`iisal wasaaruhu wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo Baambeyda oo iyaguna u garaacay muusikada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed.

Guud ahaan jewi guud ee magaalada ayaa ah mid laga dareemayo diyaargarowgii ugu danbeeyey ee loogu jiro qabsoomidda wejiga labaad ee shirka Garoowe-2 oo beri furmaya.

Sawirada soo dhoweynta wefdigaas iyocodadka mas’uuliyiintaHorseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Horseed Media