Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Norway [Sawiro]

Published: February 27, 2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Norway ayaa maanta kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Norway oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London, Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa Xilliga KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamadii uu mas’uuliyiinta Norway la qaatay ka dib ku qabtay Shir-Jaraa’id oo uu warbaahinta Norway halkaas kula hadlay kana jawaabay su’aalo fara badan oo la weydiiyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa shirka jaraa’id ay wada qabteen Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Bay’ada Mr Erik Solheim. Wasiirka ayaa sheegay in Norway ay ku faraxsantahay inuu soo gaaro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo weliba waqti wanaagsan ku soo beegantay booqashada iyadoo maalmo ka hor London lagu soo gabogabeeyey Shirkii Soomaalida. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Norway sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey, isla markaana sheegay inay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sidii loo dhaqangelin lahaa dhammaan qodobadii ka soo baxdey shirka London iyo sidii ay beesha caalamka ugu taageeri lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha in Xilliga KMG ah la dhameystiro, isla markaana la ansixiyo dastuurka, lana doorto baarlamaan tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah uu kulan ballaaran la qaadan doono Jaaliyadda Norway oo uu kala hadli doono arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii Jaaliyadda iyo Dowladda FKMG ah isagu xirmi lahaayeen isla markaana ay Jaaliyadda kaalin fiican uga qaadan laheyd geediga nabadda.

Horseed Media