Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak oo la ganaaxay

Published: January 21, 2023

Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in uusan xiran suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegay in Mr Sunak uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas.

Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa.

Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xiran suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah.

Horseed Media