![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/07/291619362-1072x675.jpg)
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/07/291397486-1013x675.jpg)
Ra’iisul Wasaaraha iyo danjiraha ayaa ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/07/290899858-1013x675.jpg)
Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/07/291755574-944x675.jpg)
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.