Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo bogaadiyay qareennadii iyo khubaradii ka qeybqaatay difaaca baddeenna

Published: October 13, 2021

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay qareennadii iyo khubaradii qeybta weyn ka qaatay difaaca baddeenna.

“Sharaf iyo farxad ayay noo hayd aniga iyo wefdigeyga aan hogaaminaayay in aan goobjoog ka noqonno ku dhawaaqista go’aankii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda baddeenna, taas oo guushu nagu raacday.

Waxaan mahad iyo ammaan u jeedinayaa qareennadii iyo khubaradii qeybta weyn ku lahaa difaaca baddeenna, madaxda Qaranka oo u dhabar adeygay in guushan la gaadho, shacabka Soomaaliyeed ee taageerada iyo ducada nagala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd in aan xaqiijinno guushan aan xaqeena ku soo dhacsannay”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *