Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xeebta Liido

Published: June 3, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa saaka booqday xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Liido kula kulmay dhallinyarada ka shaqeysa bilicda iyo nadaafadda xeebta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dhallinyaradaasi ku dhiirrigeliyay howsha wanaagsan ee ay hayaan, isagoo uga mahadceliyey.

Maalinta Jimcaha oo ah maalin nasasho ayay dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir damaashaad iyo dabaal u tagaan Xeebta Liido.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *