Published: August 3, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/02/Rooble-1081x720.jpg)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaadanaya Guddiga maamulaya Doorashooyinka Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.
Rooble ayaa shalay soo gabagabeeyay wadatashiyo la xiriira xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi kuwaasoo uu la lahaa Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.
Khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa cirka isku shareeray kadib markii la isku khilaafay Guddiga maamulaya Doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi
Horseed Media