Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay qaabka ay doorasho qof iyo cod ah dalka uga qabsoomi karto

Published: July 14, 2022
Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre oo kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimadda ay dowladda ugu fadhiso maamul goboleedyada dalka ka jira.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonto ay ku xiran tahay heshiis dhexmara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, wuxuuna ku taliyay in la adkeeyo cilaaqaadkaas, si ku dhaqanka dastuurka loo joogteeyo.

“Dowlad-goboleedyada madaxdooda iyo dowladda dhexe waa inay heshiis yihiin, haddaysan heshiin Dastuur ma dhaqaaqayo, Doorasho qof iyo cod ahna lama gaarayo, waa lagama-maarmaan in laga heshiiyo halka dalkan uu u dhaqaaqayo” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku soo beegmaya xili aanu weli soo magacaabin xubnaha Golahaiisa Wasiiradda oo isha lagu wada hayo nooca ay noqon doonaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Xili uu todobaadkan banaanka yimid khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, iyadoo Deni iyo kooxdiisa ay caro ka qaadeen guuldaradii doorashada madaxweyne ee 15-kii May iyo magacaabista Xamse oo ka soo jeedaa Jubaland.