Ra’iisul Wasaare Xamse oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar uga warbixiyey xaaladda dalka

Published: January 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayayey Jaaliyadda ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay dib ugu soo laabtaan waddankooda oo nabad ah, si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu xubnaha Jaaliyadda warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka iyo barnaamijka ay waddo Xukuumadiisa oo ay ugu horreyso dib u xoreynta dalka.

Horseed Media