Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarkii Hotel Villa Rays

Published: January 7, 2023

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ka dhacay hotelka Villa Rays oo ku yaalla aagga Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkaasi loo xiray askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan askartaas la xiray ay ku socdaan baaritaano dhab ah oo la xariira tuhuno ka dhashay ku lug lahaasha weerarkii hotel Villa Rays ee dhacay 28-kii bishii Novembar ee sanadkii dhamaaday 2022.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka iyo guulaha la taaban karo ay Xukuumaddiisa ka gaartay mudada uu joogo xafiiska.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaciyay in meelaha qaar ee laga xureeyay Shabaab ay gaarsiiyeen adeegyada dowladda inta dhimana ay ku howlan yihiin.

Xamse ayaa sheegay in Aadan Yabaal oo ah Degmo weyn kana mid aheyd goobihii ugu muhiimsanaa ee laga qabsado Al-shabaab la geyn doono ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda.

Horseed Media