Ra’iisul Wasaare Xasme & Wasiirka Difaaca Kenya oo ka wada hadlay arimaha xuduudaha

Published: December 29, 2022
Shares88

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya, Xasme Cabdi Barre ayaa qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga Amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Horseed Media