Raila Odinga oo gaari xamuul ah ku geeyay cadaymaha kiiska doorashada ee uu gudbiyay

Published: August 22, 2022

Siyaasiga dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa kartoonno waraaqo ah ku watay gaari xamuul ah, xilli uu gudbinayay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada.

Wargeys maxalliga ah ee Nation Africa ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaariga xamuulka ah oo soo gaaray dhismaha maxkamadda.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *