Ra`isul Wasaare Khayre oo Cafis iyo Daryeel u Fidiyay Dhalinyarada Ka soo Baxda Shabaabka.

Published: March 3, 2017

Ka dib markii uu maalintii shalay si rasmi ah ula wareegay xafiiska, ayaa Ra`isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu ku dhawaaqay inuu cafis u fidinayo, islamarkaana uu daryeel siinayo dhalinyarada ka soo baxda Kooxda Al-shabaab.

Ra`isul wasaaraha oo waraysi siiyay warbaahinta dowladda, Wuxuu sheegay in dhalinyarada la marin habaabiyay, oo wax khaldan loo sheegay, wuxuna ballanqaaday in xukuumadiisu si gaar ah u daryeeli doonto dhalinyaradaas

“dhalinyarada la marin habaabiyay ee Alshabaab, ee Diin aan jirin loo sheegay, ciidii ka soo baxda waxaan u fidinayaa Cafis iyo Daryeel” ayuu yiri

Dhinac kale, Ra`isul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in amniga dalka lagu sugi karo oo kaliya dowladda iyo shacabka oo wada shaqeeya, waxaana uu sheegay in xukuumadiisu ay mudnaanta siin doono in ciidamo xoog hel la dhiso, xuquuqdooda la siiyo

´`Dowladda waxaa ay ka shaqeyn doontaa in ciidamada la xoojiiyo, xuquuqdooda la siiyo, qalabka ay u baahanyihiinna loo helo, sidaa ayaana amniga lagu wajahayaa ayuu yiri“ ra`isal wasaare Kheyre.

Gabagabadii, Ra`isul Wasaaruhu wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uu u soo dhisi doono xukuumad ku salayan Baahida dowladeed ee dalku qabo, wuxuuna xusay inuu weli ku jiro wadatashiyo, islamarkaana uu rajaynayo in dhinacyada oo dhan uu kula shaqeeyo niyad wanaag iyo wadashig madaama qof walba uusan qancin karin.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *