Rayid badan oo ku dhintay duqeynta ka socota Idlib

Published: December 22, 2019

Qasaaraha ka dhashay duqeyn sadexdii maalin ee la soo dhaafay Milatariga Ruushka iyo kuwa siiriya ay ka geesteen gobolka Idlib ayaa kor u dhaaftay 30 ruux, sida ay sheegayaan hey,adaha Gargaarka.

Xubno ka tirsan qaramada midoobay ayaa xaqiijiyay inkabadan 20 qof ay ku dhinteen kadib duqeyn xoogan oo dhacday maalintii Khamiista ee todobaadkii Hore.

Milatariga Ruushka iyo kuwa Suuriya oo mas,uul ka ahaa duqeynta ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay leeyihiin maleeshiyaadka ku sugan Idlib.

Dhanka kale ku dhowaad 30,000 oo ruux oo ku sugnaa deegaanada ay duqeynta ka dhacday ayaa u barakacay xadka Turkiga.

Bishii September ayaa dowladaha Turkiga iyo Ruushka waxay ku heshiiyeen in gobolka Idlib laga dhigo meel ka caagan colaada si qaxootiga suuriyaan ee Turkiga ku sugan ay ugu suuragasho in dalkooda ay ku Laabtaan.

Balse tan iyo waqtigaas waxaa ku dhintay gobolka Idlib 18,000 ruux kadib duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Suuriya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *