Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Jabuuti

Published: December 20, 2023

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Labada Ra’iisul wasaare oo kulankooda  ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

Horseed Media