Raysalwasaare Rooble Oo La Kulmay Qoyska Ikraan Tahliil

Published: September 5, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee xukuuamadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan.

Raysal Wasaare Rooble ayaa qoyska Ikraan Tahliil la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda Ikraan oo aheyd Sarkaalad ka tirsan hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Raysal Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay inay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ku baaqay in si Deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee Ikraan Tahliil darteed loogu afdduubtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Raysalwasaare Roobe ayaa xalay sheegay in Warbixintii Hay’adda NISA eek u aadan geerida Ikraan Tahliil ay tahay wax aan la aqbali karin, wuxuuna Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin u qabtay 48 saac inuu kusoo gudbiyo Warbixin dhameytiran oo ku aadan kiiskaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *