Raysalwasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyey Abu Dhabi

Published: January 30, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *