Raysalwasaare Xamse Barre ayaa ballan qaadey inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh

Published: June 25, 2022

Mudane Xamse ayaa Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda ka hor akhriyey khudbad kooban oo ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumaddda uu soo dhisi doonno, sida; Amniga, Garsoorka iyo Caddaaladda, Abaaraha, Dib-u-heshiisiinta, Wadahadallada Somaliland, Dimoqraadiyadaynta iyo arrimaha doorashooyinka, Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka, qabyo-tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG, Adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisan danta dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.

“Waxaan noloshayda, dhinac aqoon, waxbarasho iyo mid khibradeedba ku soo kasbaday xirfado kala duwan oo aan intooda badan ugu adeegay bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan ahaa macalin wax ka soo dhigay jaamacadaha dalka, ka soo shaqeeyay xafiisyada dawladda- heer federal iyo mid goboleedba, kana soo qayb qaatay geeddi socodka dib-u-dhiska dalka, waxaana sanadihii la soo dhaafay si dhaw ula socday xaaladda dalkeennu ku jiray, waxaan wax badan ka fahamsanahay baahiyaha dadkeenna iyo caqabadaha ina horyaalla, taasoo haddii Allaha wayni ogolaado ii sahli doonta in aan qayb ka noqdo xalka aynu u raadinayno cagabadahaas”.

Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo laga duulayo halku-dhigga Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Raysalwasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan bilaabayo wadatashi la xiriira dhisamaha Xukuumadda, waxaana uu umahad celiyey Xildhibaanada golaha Shacabka ee siiyey codka kalsoonida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *