Xisbullah ayaa sheegtay in ay tobanaan gantaalada Katyusha ku garaacday Waqooyiya dhulka ay heysato Israa’iil.
Kooxda kasoo jeeda dalka Lubnaan ayaa sheegtay in weerarkeedii ugu dambeeyay ee ka dhacay Beit Hillel ee waqooyiga Israa’iil uu jawaab u ahaa weerarradii Israa’iil ee Kfar Kela iyo Deir Siriane ee koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ay sheegeen in ay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo halkaasi ku sugnaa.
Wadamada Mareykanka, UK, Faransiiska iyo dalal kale ay maanta oo Axad ah ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan “sida ugu dhakhsaha badan” iyada oo ay sii kordhayso xiisadaha iyo cabsida laga qabo isku dhac ballaaran oo gobolka ah.
Inta baddan shiraddaha duulimaadka ee caalamka ayaa sidoo kale sheegay inay hakinayaan duulimaadkii ay ku tagi jireen Israa’iil.
Dowlada Iran iyo ururka Xisbullah ayaa sheegay inay dhawaan jawaab ka bixin doonaan duqeyntii Israel la beegsatay Koonfurta caasimada Lubnaan ee Beyruut ee lagu dilay sarkaal sare ee Xisbullah, Faud Shukr iyo weerarkii caasimada Iran ee Tehran ee lagu dilay hogaamiyihii siyaasada ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.
Horseed Media