Roobabka Gu’ga oo burbur u geystay wadada isku-xirta gobolada Puntland

Published: May 1, 2024

Deegaanka Yaka-yaka oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Qardho ayaa waxaa xalay ka da’ay roob lixaad kasoo sababay inuu ku soo rogmado daadad geystay khasaare Kala duwan,

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo Sheekh Fu’aad Afloow ayaa kormeer shaqo ku taggay deegaanka Yaka-yaka ee Gobolka Karkaar oo xallay roob lixaad leh ay xallay ka da’een.

Masuuliyiinta ayaa u kuur-gallay xaalada dadka, deegaanka iyo dhibaatooyinka kale ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeeyaan wadada laamigga ah iyo buundooyinka.

Horseed Media