Rooble: “Dibadbax Hubaysan Waa Maya” – VIDEO

Published: February 19, 2021

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay.

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment