Rooble oo bogaadiyay Wefdigii Soomaaliya uga qeybgalay dacwadda Badda

Published: October 13, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda ICJ ee baddeenna, ayaa ku bogaadiyay shaqadii ay Qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Marka hore waxaan rabaa inaan soo dhaweyno go’aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, go’aan dhaxal gal ah oo taariikhda gashay ayuu noqday, waxaan kaloo rabaa inaan idinka idin hambalyeeyo, farxad ayay maanta ii tahay inaan teamkii soo halgamay, muddo badana howshan ku soo jiray aan u mahadceliyo, la’aantiin maanta meesha aan joogno ma gaareyn dadaal, karti iyo hufnaanta aad muujiseen aad ayaan ugu faraxsanahay, anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo”.

Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed dhankooda uga mahadceliyay kaalinta ay ku lahaayeen guusha baddeena laga gaaray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray Eng, Saalaxi oo door weyn ku lahaa kiiska dacwadda baddeenna, isagoo Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo. Isagoo sidoo kale u mahadceliyay Muna Sharmaan oo iyana bilowga kiiskan qeyb libaax leh ka qaadatay.

“Waxaan kaloo u mahadcelinayaa dowladan tii ka horeysa ee Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa Aabihii geeyay kiiskaas Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague, oo bilowgeeda uu isaga lahaa waan uga mahadcelineynaa, maanta guusha lagu joogana isagaa hormuud u ahaa, Sidoo kale Madaxweynaheena Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagana maanta soo gaarsiiyay meesha guusha ay maanta taalo, Alle ka sokow isagana waan uga mahadcelineynaa, Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Baarlamaankiisa oo runtii qeyb lixaad leh ka soo qaatay howshan ayaa rabaa sidoo kale iyagana inaan u mahadceliyo, sidoo kale dadkii kale ee ka soo qeyb qaatay oo ay ku jirto Wasiir Fowsiya Xaaji Aadan, iyadana waan u mahadcelineynaa, intii aan ka tegayna waad mahadsantihiin ayaan idin leeyahay”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *