Rooble oo shaqadii ka joojiyay Fahad Yaasiin, Agaasime KMG ahna magacaabay

Published: September 6, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir xilli saacadihii lasoo dhaafay la sugayay talaabada uu qaado Rooble.

Wareegtada shaqo ka joojinta oo soo baxday goordambe oo xalay ahayd ayaa loo cuskaday qodobo kala duwan oo isugu jira eedda NISA ee Ikraan tahliil iyo arimo siyaasaddeed.

Si kumeelgaar ah Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Hoos ka akhriso Digreetada shaqo ka joojinta

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *