Rouhani: Cunaqabataynta Maraykanka ku hayo IRAN waa fal Argagaxiso – VIDEO

Published: September 26, 2018

Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani oo kamid ah hogaamiyayaasha ka qeyb galaya Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadiisa weerar culus ku qaaday siyaasada guracan ee Maraykanka ee ku aadan wadanka Iran.

Rouhani ayaa sheegay in Maraykanka fal argagaxiso oo uu kula dagaalamayo dhaqaalaha wadanka Iran wado kadib markii Maraykanka iskiisa u sheegay inuu dib usoo celinayo cunaqabateyntii saarneyd Iran, isla markaana burburiyey heshiiskii Iran iyo Beesha Caalamka wada saxiixdeen sanadkii 2015.

Falalka Xagjirnimada ah oo salka ku hayo cunsuriyada, naceybka iyo cadaawada waa kuwo u dhigma falalka dowladii Nazi-ga ayuu yiri Madaxweynaha Iran Rouhani oo kamid ahaa Madaxdii khudbadahooda kasoo jeediyey furitaanka Shirweynaha UN-ka:

https://youtu.be/hP4CulA0-mY

Waxaa sidoo kale kamid ahaa hogaamiyayaasha khudbadaha kasoo jeediyey Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Qatar.

Madaxweyne Erdogan ayaa isagu khudbadiisa diirada ku saaray arrimaha dalka Siiriya oo uu sheegay in loo baahan yahay in xal siyaasad laga gaaro, wuxuu sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay ka gaabisay caawinta Muslimiinta Burma (Myanmar) iyo Falastiiniyiinta.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim oo kamid ahaa madaxdii khudbadaha soo jeediyey ayaa isaguna sheegay in lama huraan ay tahay wax walba oo khilaaf ah lagu xaliyo wadahadal, fariintaasi oo ku socotay Isbaheysiga Sacuudiga ee xayiraada kusoo rogay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *