Ruushka ayaa ugu baaqay Israa’iil inay ciidamadeeda kala baxdo Lubnaan

Published: October 1, 2024

Ruushka ayaa Talaadadii ugu baaqay Israa’iil in ay ciidamadeeda kala baxdo Lubnaan, isaga oo ka digay in weerarkaas uu horseedo sii hurinta rabshadaha Bariga Dhexe.

Israel ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska iyo kuwa cirka ay duqeymo ka bilaabeen Lubnaan Talaadadii, taasoo qayb ka ah duulaanka dhulka ee xaddidan, halka Xisbullah oo ay taageerto Iran ay sheegtay inay gantaallo badan ku ridday Israa’iil, oo ay ku jirto hay’addeeda sirdoonka oo ku dhow Tel Aviv.

“Ruushka wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka lagu qaaday Lubnaan, wuxuuna ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Israa’iil inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, ciidamadooda kala baxaan dhulka Lubnaan, ayna galaan baadi goob dhab ah oo lagu raadinayo habab nabadeed oo lagu xalliyo colaadda Bariga Dhexe,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

“Waa wax iska cad in tallabada noocaas ah ee ay qaadeen militariga Israa’iil iyo hoggaanka siyaasadeed ee ka dib markii la dilay tiro hoggaamiyeyaal ah oo Xisbullah ah ay horseedi doonto sii hurinta rabshadaha gobolka Bariga Dhexe.”

Horseed Media