Ruushka iyo China oo si wadajir ah u qabanaya dhoolatus Militari

Published: August 18, 2022
Shares520

Dhoolatuskan oo bilaabanaya todobaadka soo socda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya dalalka; India, Belarus, Mongolia iyo Tajikistan.

Wasaarada Gaashaandhiga ee China, ayaa shaacisay in Ciidamadooda ka qeyb qaadanayaan dhoolastuskan ka dhacaya gudaha wadanka Ruushka, wuxuuna socon doonaa dhowr maalmood 30ka Agoosto illaa 5ta bisha September.

Ujeedka ayaa ah in la sii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ciidamada dalalka ka qayb galaya dhoolatuskan, waxaana kor loogu qaadayaa heerka iskaashiga istiraatijiyadeed militariga iyo xoojinta awoodda looga jawaabayo khataraha kala duwan ee soo wajahi kara dalalkan

Wasaarada Gaashaandhiga Shiinaha

Dhoolatuskan militari ee ka dhacaya wadanka Ruushka ayaa kusoo beegmaya xili Ruushka uu doonayo inuu sare u qaado xiriirka ganacsi iyo militari ee uu la leeyahay China, maadaama reer Galbeedka kusoo rogeen cunaqabateyn la xariirta duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *