Ruushka ayaa xalay duqeyn xoogan la beegsaday inta badan dalka Ukraine, isaga oo ku riday tiro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha drone-ka, isla markaana waxyeello u geysatay tas-hiilaadka tamarta.
Weerarrada ayuu madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay “kuwo aad u xun”.
“Weerarkan Ruushka wuxuu ahaa mid fool xun, oo lagu beegsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee rayidka,” ayuu yiri Zelenskyy, isagoo intaas ku daray in inta badan dalka la bartilmaameedsaday – laga soo bilaabo gobolka Kharkiv ilaa caasimada Kyiv ilaa Odesa iyo galbeedka.
Duulaanka in ka badan 100 gantaal iyo tiro lamid ah oo diyaaradaha drone-ka ayaa bilowday saqdii dhexe ee xalay waxayna sii socdeen ilaa waaberigii, kani oo ah weerarkii ugu waynaa ee Ruushka ee todobaadyadii lasoo dhaafay.
Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in raxan ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku soo rideen bariga, waqooyiga, koonfurta iyo gobollada dhexe.
Ruushka oo bartilmaamsaday 15 gobal oo kala duwan ayaa weerarkan sidoo kale u adeegsaday gantaallada jooga hoose, badda iyo kuwa ballistic-ga ah.
Horseed Media