Ruushka oo soo riday 2 drone op ku wajahnaa Moscow

Published: August 9, 2023

Difaaca cirka ee Ruushka ayaa soo riday laba diyaaradood oo ahaa drone-hubaysan oo ku wajahnaa Moscow, sida uu sheegay duqa magaalada, waana weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday caasimadda Ruushka.

Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin, ayaa sheegay arbacadii shalay in hal diyaarad oo aan duuliye lahayn lagu soo riday deegaanka Domodedovo ee duleedka koonfureed ee magaalada, halka midda labaadna lagu soo riday aagga wadada weyn ee Minsk ee galbeedka caasimadda.

Duulaankan Drone-ka ayaa ah isku daygii saddexaad ee la isku dayo in lagu weeraro Moscow muddo toddobaad gudihiis ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa Axadii lagu soo riday degmada Podolsky ee duleedka caasimadda iyo Isniintii meel u dhow gobolka Kaluga, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa todobaadkii hore sheegtay inay soo rideen toddobo diyaaradood drone ah meel u dhow Kaluga, oo wax ka yar 200km koonfur-galbeed kaga beegan Moscow.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa horey ugu goodiyey in “dagaalka” u soo wareegi doono dhanka dhulweynaha Ruushka, iyada oo “xarumaha caanka ah iyo saldhigyada milatariga” ee dalkaasi ay noqdeen bartilmaameedyo.

Horseed Media