Ruushka & Shiinaha oo sameeyey dhoolatus militari oo wadajir ah

Published: November 30, 2022
Shares80

Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, sida ay maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

Diyaaradaha Ruushka ee gantaallada xambaara ee TU-95 iyo kuwa Shiinaha ee Xian H-6 ayaa dul maray Badda Japan iyo Badda Bariga Shiinaha muddo sideed saac ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Kadib markii laga go’doomiyey Reer Galbeed tan iyo duulaankii Ukraine, Putin ayaa raadiyey inuu xoojiyo xiriirka Asia, gaar ahaan Shiinaha.

Dhoolatusyada ayaa la fuliyay iyado si adag loo raacayo sharciga caalamiga ah”kumana wajahneyn dalal saddexaad,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Shiinaha ma cambaareyn howlgalka miltari ee Ruushka uu ka wado Ukraine, balse inkasta oo uu kala dhaxeeyo xiriir aan xadidneyd, haddana Beijing waa ay diiday in hub siiso Moscow.

Horseed Media