RW Rooble Oo 48 Saacadood U Qabtay Agaasimaha Nisa, Fahad Yaasiin

Published: September 4, 2021

Raysal Wasaaraha xilgaarsiinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa amar u diray agaasimaha Nisa.

Raysal Wasaaraha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore sheegay in murugada iyo welwelka ka dhashay xogta Hay’adda NISA ee geerida Ikraan Tahliil la qeybsanayo qoyska iyo Ehelada Ikraan iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Rooble in markii ay soo bilaabatay kiiska Ikraan uu si dhow ula socday, isagoo xusay in hoggaankahHay’adda nabadsugida Soomaaliya ee NISA uu faray inay keenaan xog dhameystiran oo ku aadan kiiska, uuna siiyay waqti.

Raysal Wasaare Rooble ayaa Carabka ku dhuftay afduub loo geystay dhalinyaro aan waxba geysan taasoo ah caro ka dhalatay arrinta Ikraan, isagoo ugu baaqay cidii afduubka geystay inay dadkaasi fasaxaan.

Ugu dambayn Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin u qabtay in muddo 48 saac gudahooda uu kusoo gudbiyo Warbixin dhameystiran oo ku aadan Ikraan Tahliil Faarax, isagoo ballan qaaday in Ikraan heli doonto cadaalad, shacabkana ugu baaqay inay isdajiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *