RW Rooble oo daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka

Published: June 18, 2022

Ra’iisul Wasaaraha xil gaarssinta ee XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu  ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo  kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *