RW Rooble Oo Eedaymo U Jeediyey Farmaajo – (DAAWO)

Published: December 27, 2021

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo, waxa uu ugu yeeray ‘iskuday af-gambi, si uu xukunka u sii joogo’.

Rooble oo goor dhaweyd muuqaal soo duubay, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weerar ciidan ku so qaaday xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo golaha wasiirada si uu uga horjoogsado waajibaadkooda.

” Waxaan rabaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaago in tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweynahii hore Maxamed C/laahi Farmaajo ay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla. Farmaajo ka sakow inuu shuruucda dalka ku xadgudbay waxa uu saaka weerar ciidan ku soo qaaday xafiisyada Raysul Wasaaraha iyo xarunta Gollaha Wasiirada isagoo isku dayay in uu ka horjoogsado gudashada waajibaadkooda Qaran. Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkan gurracan ee sharciga baal marsan waa in uu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah ,si la mid ah isku daygii fashilmay ee bishii April…….Halheyska maantu waa Doorasho haa. Agambi Maya.” – ayuu yiri: Raysal Wasaare Rooble.

Rooble ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Ciidanka Qalabka sida ay si toos ah kaga amar qaadan doonaan xafiiskiisa, isagoo carrabka ku dhuftay in ciddii ka hor timaadda uu sharciga la tiigsan doono.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *