RW Rooble oo kala diray Guddiyada doorasha ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed

Published: May 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Go’aan uu ku kala diray dhammaan Guddiyadii kasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka qabsoomay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu kala diray Guddiyadii doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddigii Xallinta Khilaafaadka, kuwaasi oo ka shaqeeyay doorashooyinkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale War-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in kuraasta Baarlamaanka ay Guddiyada Go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashooda ay maamulayaan Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyada oo la raacayo habraacyadii hore.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay Guddiyaddii doorashada dadban, isla markaana waxaa uu ku boggaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay u guteen Waajibaadkoodii ee loo idmaday ee ahaa qabashada doorashadooyinkii dhacay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *