RW Rooble oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka

Published: March 14, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Guddiga gurmadka Abaaraha ayaa kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka, iyagoo kala shiray xaaladda abaaraha dalka oo maraysa meel khatar ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, isagoo u mahadceliyey dalalka ilaa hadda kaalmada soo gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed.

Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hey’addaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirta ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed”. Sidaas darteed waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay in abaartu sababi karto macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adkaan doonto in wax laga qabto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *