RW Rooble Oo La Kulmay Guddiyada Doorashooyinka Iyo Xalinta Khilaafaadka

Published: August 31, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo kuwa Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada.

Rooble ayaa guddiyada kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale.

“Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta  iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya. Waxaan ku ballannay in dhaqso oo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi” ayuu yiri Raysal wasaare Rooble

Sidoo kale Raysal Wasaare Rooble ayaa sheegay in aanay isbaaro noqon karin oo aan caqabado loogu dhigi doonin dadka maraya dambi baarista CID ee isugu jira Musharaxiinta iyo Ergada, isagoo xusay in waajib tahay in la maro hey’adda dambi baarista.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *