RW Rooble Oo La Kulmay Hay’addaha Amniga Iyo Taliska AMISOM

Published: February 23, 2022

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey shirka Amniga Qaran ayaa warbixin ka dhagaystay hay’addaha amniga iyo taliska nabad ilaalinta ee AMISOM.

Shirka oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho  iyo adkaynta amniga Doorashada ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Raysal Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amniga inay siyaadiyaan dadaalada sugida amniga Caasimadda Muqdisho oo ay ka socdaan doorashooyinka aqalka hoose, wuxuuna boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM dadaalada ay wadaan ee ku aadan xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda Federaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *