RW Rooble oo la shiray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Published: January 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Raii’sul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in lagu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay masuuliyiinta, iyadoo lagu heshiiyey in laga wada shaqeeyo doorashada.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *