RW Rooble oo magacaabay Guddiga Amniga ee caleema saarka Madaxweynaha

Published: June 1, 2022

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Guddigan oo toddobo xubnood ka kooban waxaa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro kale iyo Taliyayaasha ciidmada Xoogga dalka, Booliska iyo NISA.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Xubnaha Guddiga lagu faray inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan, ayna adkeeyaan amniga guud dalka, gaar ahaan amniga munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *