RW Rooble oo qaabilay Guddoomiyaha Siyaasadda ee Midowga Afrika 

Published: February 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo booqasho ku jooga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika kala hadlay kaalinta Midowga Afrika ee nabadeynta Soomaaliya iyo doorka AMISOM ee sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *