RW Rooble oo shaqo joojinku sameeyey Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya

Published: May 24, 2022

Ra’iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay Wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa amray in Hay,addaha dowladda ay ku sameeyaan baaritaano sababta keentay in uu falkaan dhaco.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan sidii uu u dhacay, kadibna ay u gudbiyaan hey’adaha garsoorka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *