RW Rooble oo xaalada abaaraha & taageerada amniga kala hadlay Midowga Yurub

Published: May 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Kulanka ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaaku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, tababarada Ciidamada, Amniga iyo shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *