Waxaa lagu wadaa maalinta khamiista ah kuna beegan 25 Ogoosto in Madaxweynaha jamhuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan…
Waxaa lagu wadaa maalinta khamiista ah kuna beegan 25 Ogoosto in Madaxweynaha jamhuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud booqdo Garoowe, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Waxay ahayd 28 Abril 2013, goobtu waa Garoowe waxaa booqasho ku yimid Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jirey bilowga muddo xileedkiisi hore, waxa uu marti u ahaa Madaxweynihii Puntland ee xiligaas Cabdiraxmaan Faroole oo kujiray dhamaadka muddo xileedkiisi.
Ku dhegayso faaladan Podcast
Shirkii London 2013
Booqashada Xasan Sheekh ee Garoowe 2013 ayaa muhimad gaar ah lahayd, iyada oo uu jirey khilaaf labada dhinac ah, waxaa socdey qaban-qaabada shirkii London May 2013, kaas oo lagu jihaynaayey siyaasadda dalka ee amniga, dib u dhiska ciidanka, dib u hagaajinta caddaaladda iyo booliska iyo barnaamijka isbeddelka maaliyadda ee PFM.
Shrikii Garoowe ee Xasan iyo Faroole waxa uu ku dhamaadey is-faham-waa, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo duuley Garoowe 29 Abril 2013 iyada oo labada dhinac qabteen shir-saxaafadeed madaxa ciida looga ceshanaayo, ka hor inta aanu duulin Xasan Sheekh.
Xassan Sheekh waxa uu doonaayey in Puntland shirka ka qaybgasho oo London u raaco Cabdiraxmaan Faroole, halka Faroole doonaayey in uu ogaado doorkiisa shirka London 2013.
Shirka waxaa wada guddoominaayey UK iyo Somaaliya waxaana ka soo qaybgalay deeq-bixiyaasha ugu muhimsan ee Soomaaliya leedahay.
Madaxweyne Xassan Sheekh xiligaas bishii May, 2013, waxa uu Cabdiraxmaan Faroole u arkaayey mid xilkiisu sii dhamaanayo, kulan kaas ka danbeeyeyna lama qaadan ilaa la doortey Cabdiweli Cali Gaas 8, Jan 2014.
Puntland waxay qaadacdey shirkii London 2013 ee lagu jiheeyey siyaasadda dalka ee ilaa maanta lagu dhaqmo ee dib u dhiska ciidamada iyo dib u habaynta maaliyadda (Public finance management).
Khilaaf aan dhamaad lahayn!
Puntland iyo dowladda federaalku marna ma dhicin in ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan, 13-kii sano ee u danbeysey, waxaana marar badan dhacdey in sidii laba dal oo kala madax banaan Puntland xiriirka u jarto dowladda federaalka ee Muqdisho fadhida, haddaba muxuu safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uga duwanaan doonaa kii Abril 2013?, Puntland ma sii wadi doontaa dhabbihii hore mise wax ka beddalan ayey la imaan doontaa miiska?.
Booqashada Xasan Sheekh ee Garoowe ayaa imaanaysa iyada 4-tii sano ee u danbeysey Puntland dagaal siyaasadeed kula jirtey dowladda federaalka, waxaana ay xulafo kula ahayd Xasan Sheekh in meesha laga saaro Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taas oo lagu guulesytey 15 May 2022.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh weli ku jiro 100-kii maalmood ee horeeyey muddo xileedkiisa, halka Siciid Deni ay saacaddu dul taagan tahay oo muddo xileedkiisu gabaabsi yahay, ayaa labada dhinacba waxaa muhim u ah wada shaqeyn iyo iskaashi daahfuran in ay wada yeeshaan.
Labada dhinac ma ahan laba dowladood ee kala madax-banaan oo heshiis wada gaaraya, laakiin in is-af-garad lala yimaado oo lagu wada shaqeeyo waa mid muhim u ah dowladda Xasan Sheekh hoggaamiyo ee haysata khibradda wixii hore uga xumaadey isaga oo fursad u helay dhamaystirka qabyadiisi, sidoo kale waxay muhim u tahay Puntland oo ku jirta xaalad adag iyo duruufo ay keentay abaarta raagtey iyo dhaqaale xumada dalka ka jirta, sidoo kale waxay muhim u tahay in Puntland iska reebto in ay tusaale u noqotey mid jidgooyo u dhigata dowlad kasta.
Iskaashi iyo hor-u-socod
Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland iyo guud ahaan dowlad goboleedyada kale ee dalka waxaa habboon in ay is-faham ka gaaraan hawlaha muhimka u ah mustaqbalka dalka iyo dowlad dhiska sida,
- dhamaystirka dastuurka,
- mideynta ciidamada,
- siyaasadda lagu hagayo kheyraadka dalka,
- u-sinnaanta deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya,
- adeega bulshada, iyo
- la-dagaalanka argagixisada.
Puntland waa gabal kamid ah Soomaaliya oo aad u xasilnoon, muhimad weyna u leh dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu haystaa fursad uu ku mari karo dhulka baadiyaha ah iyo tuulooyinka si uu indhihiisa ugu arko xaaladda bini’aadanimo ee dalka ka taagan, si wax loogu qabto dadka tabaaleysan ee ay isugu darsantey abaarta iyo dhaqaale xumada dalka ka jirta taas oo soo jiidatey sicir barar aan horey loo arag.
Aragtida doorashooyinka dalka
Ugu danbeyn waxaa muhim ah in dowladda federaalku ay ka yeelato aragti siyaasadeed dowlad goboleedyada muddo xileedkoodi dhamaadka yahay, u dayaan bulshadu in ay aayahooda ka taliyaan iyaga oo ka faa’ideysanaya khibrada maamulkii ka horeeyey ee isku dayey in ay dhisaan dowlado gacan ku rimis ah, sidoo kale ay aragti ka yeeshaan in aan sinaba looga oggolaan in lagu tunto dastuurka iyo sharciga yaala oo ay abuurmaan kuwo xilka isku dhajiya oo samaysta muddo kororsi.
by Khaalid Yussuf
Federlku waa in ay la shaqeeyaan Puntland, haddii kale xaaladu waa ijiid aan ku jiidee 00 00 eber eber.