Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo gudbiyey warqadihiisa Aqoonsiga

Published: February 7, 2022

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden, Mudane Maxamed Xasan Cabdi, ayaa warqadihiisa Aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay maalintii khamiista aheyd ee (3 Febraayo) Boqorka Sweden, Boqor Carl XVI Gustaf, iyadoo loo maray dhanka Agaasimaha Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Danjire Maria Christina Lundqvist oo loo igmaday guddoomidda.

Xafladda fardo ku gelbinta Safiirka ee uu si toos ah u qaabilayo Boqorka ayaa la qaban doonaa waqti danbe,iyadoo ay ugu wacan tahay tallaabooyinka Dowladda Sweden ay ku xakamaynayso fiditaanka fayraska Corona.

Danjire Maxamed Xasan Cabdi, ayaa carabaabay yididdiiladiisa inuu ka howlgalo Sweden, isagoo yiri “Sharaf weyn ayay ii tahay in aan warqadahayga aqoonsiga danjirannimo aniga oo ka wakiil ah Soomaaliya aan ku wareejiyo Boqorka Sweden”.

Danjire Maxamed Xasan waxa uu bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya kala dhexeeya Sweden oo uu ku tilmaamay mid wanaagsan, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal , lana ballaariyo iskaashiga si looga dhabeeyo dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *