Safiirka Soomaaliya ee Zambia oo kulamo la yeelatay Diblomaasiyiin dhiggeeda ah

Published: December 21, 2019

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa kulan wada xaajood ah la yeelatey Madaxa Diplomaasiyiinta Ururka Jaamacada Carabta  ahna Safiirka  Sudan u fadhiya Zambia Danjire; Hussein Awad Ali iyo Safiirka South Africa u fadhiya Zambia Danjire GN Twala.

Kulanka Safiirrada ayaa waxaa looga hadlay iskaashaga Waddamada ay matalayaan iyo sidii xiriir iskaashi dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga ah ay u yeelan lahaayeen.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u joogta Zambia, Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtey in ay ku dedaalayso arrimo la xiriira sidii ay Dalka Zambia gudahiisa shaqo abuur ugu sameyn lahayd Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *