Safiirka Turkiga ee Soomaliya oo booqday Isbitaalka Yardimeli.

Published: March 16, 2020

Mahmed Yilmes Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa booqasho ku tegay Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa u kuur-galayay habsani u socadka shaqada isbitaalka, kaasi oo ay gacanta ku hayso hay’ada laga leeyahay Dalka Turkiga, Cusbitaalkaan ayaa si rasmi ah u shaqa bilaabay sanadkii 2017.

Safiirka oo ay wahliyaan masuulinta ugu sarreeysa isbitaalka ayaa qol qol u booqday waaxyaha kala duwan ee isbitaalka oo ay ku jiraan dad bukaan ah. Agaasimaha qeybta caafimaadka Isbitaal Yardimeli Cabdirashiid sheekh yuusuf ayaa warbixin guud ka siiyay Safiirka iyo saaraakill la socatay shaqada isbitaalka uu u hayo shacabka Soomaliyeed.

Safiirka Turkiga u jooga Soomaliya ayaa ku amaanay maamulka isbitaalkal Yardimili shaqada ay u hayaan bulshada Soomaliyeed, kaasi oo hadda si fiican loo qalabeeyay, fuliyana adeegyo caafimaad oo casri ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *