Saldhiga Ciidamada Cirka Mareykanka ay ku leeyihiin Galbeedka dalka Ciraaq Cayn al-Asad ayaa Isniintii shalay la duqeeyey.
Duqeyntan oo loo adeegsaday gantaalada Katyusha ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus kasoo gaareen ugu yaraan 5 askari.
Mareykanka ayaa asbuucii lasoo dhaafay duqeyn ka geystay dalka Ciraaq. Waxayna sheegeen in diyaaradooda droneka ay duqeysay maleeshiyaadka Ciraaq ee taageera Iran.
Dowlada Ciraaq ayaa dooneysa inay dalkeeda ka baxaan ciidamada Mareykanka oo halkaas u jooga la dagaalanka kooxda ISIS.
Bisha soo socota ee September ayaa la filayaa inay bilaabaan ciidamada Mareykanka ka bixitaankooda Ciraaq oo socon doona illaa September 2025.
Weerarkan ayaa kusoo aaday iyadoo la sugayo lagana cabsi qabo jawaabta la filayo inay Iran ka bixiso duqeyntii Israel ee Tehran.
Horseed Media