Sanbaloolshe Oo Xildhibaan Loo Doortay

Published: March 28, 2022

Taliyihii hore ee hay’adda nabasugida iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA), Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta ku guuleystay kursiga tirsigiisa HOP058 ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne.

Kursiga uu maanta ku guuleystay Sanbaloolshe ayaa waxaa ku tartamay toddoba musharax oo uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble.

Natiijada doorashada kursigan ayaa aheyd:

Abdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa helay 54, waxaa kusoo xigay Cali Cabdullahi Osoble oo helay 28 cod, Cabdulkhadir Xuseen Olow ayaa helay 8 cod, Abdullahi Axmed Xuseen ayaa helay 5 cod, Maxamed Afdhuub Makaraan ayaa helay labo cod, Ubax Cali Sheegow waxba ma helin, halka Yoonis Maxamed Nuur uu helay  2 cod.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *