Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo duqeyn cirka ah lagu diley

Published: February 24, 2012

Duqeyn ka dhacday deegaanka Kelli-caafimaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu soo waramayaa in goor hore oo saaka ah lagu laayey dhowr sarkaal oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Duqeyntan oo ahayd mid ay geysteen diyaarado aan ilaa iyo hadda la ogeyn cidda iska leh ayaa waxaa lala eegtay3 gaari oo ay saraakiil Shabaabka ka tirsani la socdeen, waxaana mas’uuliyiin DKG ah ka tirsani ay sheegeen in ragga dhintay ay qaar ajaanib ahi ku jireen.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadiisu ay soo dhoweyneyso weerar dhanka cirka ah oo lagu qaado deegaanada ay fariismaha ku leedahay xarakada Al-shabaab.

Prof Gaas ayaa warkan sheegay mar uu ka jawaabayey su’aal ay qaar kamid ah warbaahintu weydiisey xilli uu ka qayb gelayey shir Saxaafadeed oo ay xalay si wada jir ah u qabteen qaar kamid ah mas’uuliyiintii joogey shirka London.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli todobaadkan gudihiisa Shabaabka laga qabsaday dhowr magaalo oo ay ku xooganaayeen, magaalooyinkaas oo ay kamid tahay Baydhabo oo ah magaalo Istaraatiiji ah taas oo mudo 3-sano ah gacantooda ku jirtey.

Waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey intii lagu jirey sanadka 2012 ee duqeyn dhanka cirka ah lala eegto Al-shabaab oo iyagu dhowaan shaaciyey inay ku biireen Al-qaacida, arintaas oo ay dadka qaarkood ku tilmaameen inay tahay mid muujineysa in awooda Shabaabku ay aad u diciiftay.

 

Horseed Media