Saraakiil Shaqo Joojin iyo Xabsi Ku Mutaystay Weerarkii Hotel Elite

Published: August 20, 2020

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaqadii ka joojiyey taliyihii saldhiga degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida ay baahisay warbaahinta dowlada ee Sonna.

Taliye Xijaar ayaa xilka qaadistan u sababeeyey falkii dhawaan lagu weeraray hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana sidoo kale la xirxiray askartii ku sugnayd baraha kontrool ee laga soo galo hotelka.

Laamaha amaanka ayaa ku wada baaritaan weerarkii Qaraxa ku bilowday 15kii Ogoosto ee ka dhacay Elite kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca masuuliyiin iyo dad rayid ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *